xalane1

Al Shabaab: 27 Askar iyo Saraakiil ah oo Katirsan QM iyo AMISOM ayaan Ku Dilnay Qaraxyadii Xerada Xalane

War rasmi ah oo goordhow kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu faah faahiyay khasaarihii xooganaa ee ka dhashay qaraxyo lagu bartilmaameedsaday saldhigga Xalane.

Idaacadda Islaamiga Andalus ee Afka xarakada ku hadasha ayaa baahisay war ay kasoo xiganayso Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidamada XSHM.

Al Shabaab waxay sheegtay in 27 askar iyo saraakiil ah oo katirsan Ciidamada Q.Midoobe iyo kuwa AMISOM ay ku dishay labadii qarax ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

“27 katirsan Saliibiyiinta Q.Midoobe iyo AMISOM ayaa lagu dilay weeraradii Barakeysnaa ee saaka ka dhacay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

 Ilo wareedyo mas’uul ah ayaa SomaliMeMo u sheegay in labada weerar ee Muqdisho ka dhacay labaduba lagu bartilmaameedsaday xerada Xalane oo hooy u ah dublumaasiyiinta Q.Midoobe iyo Taliska ciidanka AMISOM.

Qaraxa hore ayaa lala helay Koontaroolka (Madiina Gate)  kadibna waxaa koontaroolka xoog ku jiiray gaari xamuul ah oo walxaha qarxa lagasoo buuxiyay kaasi oo gudaha ugalay xerada Xalane.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*