top-secret2-4-768x507

AKHRISO: Magacyada Musharixiinta Somalia ee heysta labada Baasaboor

275-ka xubnood ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya iyo 54-ka xubnood ee aqalka sare  oo dhawaan la doortay ayaa lagu wadaa inay doortaan madaxweynaha sagaalaad tan iyo markii uu xornimada qaatay dalka Soomaliya sanadkii 1960-kii.
18 ka musharax ee u taagan qabshada xilka Madaxweynaha Soomaliya ayaa inta badan degan wadamada Maraykanka iyo Canada, halkaas oo ay ka heleen aqoonsiga dhalashada, Laba jinsiyadoodka ama sharciyada ayaan ka reebeenin inay isku sharaxaan madaxweynanimada ilaa hadda madaama ay haystaan baasaboorka Soomaaliya.
Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynahii hore dowladii KMG aheyd -Sharif Sheikh Ahmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Maxamed Cali Nuur iyo Jabril Ibrahim Abdulle Ka sokow, inta kale ee musharaxiinta ah ayaa lagu waramayaa in ay leeyihiin laba sharci.
Halkaan Hoose Ka Akhriso Liiska Musharixiinta heysata Dhalashada Laba Dal iyo Dalalka Labaad ay kasoo jeedaan.
Fadumo Dayib – Canada
Omar Abdirashid Ali Sharmarke – Canada
Abdiweli Sheikh Ahmed – Canada
Abdirahman Abdullahi Baadiyow – Canada
Abdinasir Mohamed – United States
Anab Dahir – United States
Bashir Nur-Bidaar H Looyan – United States
Abdirizak Omar Mohamed – United States
Mohamed Abdullahi Mohamed – United States
Mohamud Ahmed Nur Tarsan – United Kingdom
Abdirahman Farole – Australia
Said Abdullahi Dani – Denmark
Yassin Mahi Mallin – Sweden

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*