waqoyi7

Akhriso: Magacyada iyo Beelaha ay ka soo jeedaan 5 Xildhibaan oo Maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho+Sawirro

Wejiga Labaad doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee Gobolada Wuqooyi ayaa Maanta waxa ay ka bilaabatay Magaalada Muqdisho.

Ilaa 5 Xildhibaan ayaa maanta kusoo Baxay Doorashadii ka dhacday Xarunta Gaadiidka Booliska ee Dagmada C/Casiis.

Kuraasta Aqalka Hoose ee Maanta la doortay ayaa Waxa ay ahaayen Kuwo aad Xiiso u leh Maadama xubno muhiim ah ay ku tartamayeen .

kursiga Beesha Samaroon ee Jilibka makaahiil waxaa ku tartamayay Musharixiinta kala ah Feysal Cumar Guuleed iyo C/xakiin Cige Guuleed oo kursigan difaacanayay.

Dooarsho adag kadib waxaa kursigaan ku guuleestay Feysal Cumar Guuleed oo helay 29 cod.

Sidoo kale kursiga Beesha Muuse Abokor ee Habar Jeclo waxaa ku tartamayay Musharixiinta kala ah Aamina Cumar Jaamac iyo Faa’iza Axmed Cali waxaana Kursigaan kusoo baxay Aamino Cumar Jaamac oo horay Xildhibaan u aheyd waxaana ay heshay 51 Cod oo ah Dhamaan Codadka Ergada wax dooraneysa Faiiza Axmad Wax cod ah ma aysan helin.

Maxamad Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna kusoo Baxay Kursiga Aqalka Hoose ee Biisha waxaana uu helay Codad gaaraya 51 Cod halka Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu Magacaabo Axmed Maxamed Cumar uusan helin wax cod ah.

Sidoo kale Cilmi Maxamuud Nuur ayaa isna ku soo baxay 45 cod, waxaana uu ka guuleystay Fanaanka caanka ah Farxaan Xidig oo isna helay 6 cod.

Inkasto Fanaanka Farxaan Xidig uu sheegay in Musuq maasuq xoogan lagu Sameeyay Kursiga Beeshiisa Islamarkaana Qori loo adeegsaday Isaga iyo Ergadiisa.

Saalax Jaamac Ahmed ayaa isna ku soo baxay kursiga beeshiisa, isagoo helay 50 cod.

Sidaasi waxaa Maanta Muqdisho loogu doortay ilaa 5 Xildhibaan oo ka imaanaya Gobolada Wuqooyi ee Soomaliland Guud ahaan wadarta Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Gobolada wuqooyi waxa ay gaareysa 11 Xildhibaan.

waqoyi1 waqoyi3 waqoyi4 waqoyi5 waqoyi6 waqoyi7 waqoyi8 waqoyi-768x432

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*