s3300008

Ahlu Sunna si lama filaan ah jawaab uga bixiyay Gaari looga qabsaday Degmada….

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa jawaab kulul ka bixiyay wararka la xiriira Gaari hub u siday Degmada Guriceel lagu qabtay Duleedka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna, Xasan Maxamed Warsame ayaa waxuu shaaca ka qaaday in been abuur uu yahay uu yahay hadalka ku aadan Gaari looga qabsaday Duleedka Degmada Maxaas.

Mr. Xasan Maxamed ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in Maamulka Maxaas oo hoostaga Hirshabelle looga baahan yahay in ay raadiyaan shaqsiyaadka iska leh Gaarigaasi lagu waday hubka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxuu qeexay in Maamulka Ahlu Sunna aysan wax lug ah ku la heyn amuurtaasi oo idil.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*