capture

Afhayeen Cali Dheere Oo Sheegay War Qalqal Geliye Shacabka Muqdisho

Afhayeenka Maleeshiyada Al-shabaab Cali Dheere oo wareysi siiyey Idaacadda afkooda ku hadashay ee Andalus ayaa shacabka Muqdisho usoo direy fariin qalqal ah, kuna muujinayo waxa ay dadka ka aaminsan yihiin.

Cali Dheera ayaa sheegay in Muqdisho ay ka dhacayaan doorashooyinka, islamarkaana ay u arki doonaan in dadka deggan Muqdisho ee 3 milyan ah raali ka yihiin in doorashada dhacdo.

Waxa uu sheegay in mar walbo Muqdisho loola soo cararo wax walbo oo shisheeyaha wata, waxaana uu u usheegay in shacabka Muqdisho laga doonayo iney u istaagaan joojinhta doorashooyinkaasi.

Wuxuu tilmaamay in ka Shabaab ahaan ay kusoo socdaa Muqdisho, waliba ay qaraxyo iyo weeraro geysan doonaan, isaga oo sheegay in mar walbo ku dadaalayaan sidii doorashada lagu carqaladeyn lahaa.

Shacabka Muqdisho ayaa markii horeba maanka ku hayey weeraro kaga yimaada dhanka Al-shabaab oo boqolaal shacab ah ku laayey magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*