gf

A.Madoobe oo si cajiib ah uga jawaabay hadal uu Yiri Xasan Sheikh

Madaxweynaha maamulka Jubba Land Axmed Madoobe ayaa sheegay iney u diyaargarowbeen la wareegida deegaanada Al-shabaab ay gacanta ku hayaan ee ka tirsan Jubbooyinka.

Axmed Madoobe ayaa si gaar ah farta ugu goday in maamulkiisa uu tagayo degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada dhexe oo loo qoondeeyay caasimada maamulka Jubba Land.

Degmada Bu’aalle waxaa gacanta ku haya ururka Al-shabaab,maamulka JUbba Land wuxuu si KMG ah ugu shaqeeya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose.

Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ka sheegay iney diyaar u yihiin iney weerar ku qaadaan degmada si u soo gasho gacantooda.

Hadalkaan ayaa u muuqda mid jawaab u ah hadal kale oo dhawaan ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan SHeikh oo ku aadanaa in badi maamul Goboleedyada uu ka mid yahay Jubba Land aysan ku shaqeyn caasimadahooda sababo jira owgood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*